Mid ka mid ah Gabayadii maxamed fiin ee silsiladii Rayad
- Calow gugakan gabaygaad tidhi gocasho weyn reebye
Wixii gacal ahaa uumiyaa waa mid kala geyne
Gabadh iyo walaalkeedba waa kala geddoomeene
Gardarriyo isyeelyeel mar buu gubey bilaadkiiye
Nin garaad leh baan kugu ogaa gaban ahaantiiye
Maantaad gu'yaal badan jirtoo guudku ku caddaaday
Bal garwaaqso warankaad gantiyo gedaha aad joogtid
Guntigii wadaadkii la eed gebagabayntiise
Galow baa ka ciyey ceelashaad geesi ku ahayde
Buuhoodle geel looma horin goorti dabadeede
Gammaankii badnaa ugama fulo labada geesoode
Garmaaddii shubaysiyo la waa garabyo weyntiiye
Geedaha ka baxay laga ma cuno godobyo dhowdhoowe
God abaaday waakaa noqdiyo guri madoobaade
Waxa guuldarrada ugu wacnaa geli colaadeede
Waa gaasir Reer-Cali wuxuu wada gudboonaaye
Ma gu' yaree see Cali tashigu uga gulaallaaday?
Guhaad laguma falo ruux hadday gogoshu kuu taalle
Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo
Gurgur lama shiraystiyo hashii geela ka irmaane
Guntana laga ma jaro geed hadduu kuu gabbaad yahaye
Afartaa gammuuraye sidii leebka ma u gooyey
Gobo' kalena waa erey yar aan godob ka faalleeyey
Gondaggooye nimankii dhigaad gacal ahaydeene
Cabdi Muxumud gabannuu ka tegey goloshkii dheeraaye
Geydh iyo waxay cadho qabaan garanba maysaane
Aar soo gendoodsaday wuxuu gaadho waa diliye
Goonyaha haddii lagaga ciyo guuldarraa dhiciye
Geelii Ogaadeen ninkii goofiyaa tahaye
Giddiga Reer Subeer yahay ninkii gaadhay baad tahaye
Ninkii geed ku xidhay baad ahayd galabti weyshiiye
Gudaha Adari waa laga tirshaa gabayadaadiiye
Gaal iyo Islaam nabaddu waw gogol nasteexaade
Marse haddii colaad loo guntado Goray ma laacdeene
Cid uun baa rasaas kugu gambiyi Giibba ma lahayne
Ogaadeenku waa gama'san yahee gamasyo haw dhiibin
Godobta ha ogeysiin rag waa garacyo Sheyddaane
Gacalow ka joog meelahaad gacantogaalaysay
Haddii kale aduun baw go'iye gabayga aashaada