Why No Major Oil Company Is Rushing To Drill Pakistan's Huge Oil Reserves"
By Alex Kimani
Sep 15, 2024.
Maqaalkaa la gu daabacay barta internetka oilprice.com waa warbixin ku saabsan guuldarrada dawladda Baagistaan ka haysata la soo bixidda gaasta iyo baadroolka dhulkeeda ceegaaga. Arrinta fiirada mudani waa isu ekaanta duruufaha taa la xidhiidha ee Baagistaan iyo Soomaalilaand- Soomaaliya.
Qof waliba weligii si fudud buu isu wayddiin jiray sababta ay shirkadaha shidaalka ka shaqaystaa dhulka soomaalida u ga qodi waayeen khayraadka ka buuxa, iyaga oo beri aad u fog ka soo saaray tusaale ahaan gobolka Bariga Dhexe oo dhan. Jawaabta anigu wax aan u gartay in ay ahayd laba sababood oo is wata. Bulshada soomaalida oo aan lahayn maamul iyo kaladambayn sugan oo meel la garanayo taladu ka go'do, xitaa haddii ay qabiilka tahay, sida carabta. Taasi wax ay dhashay in dhulka soomaalidu noqdo carro aan xasilloonayn oo amnigu aad u liito. Shirkadaha shidaalka qodaya badbaadada nafaha shaqaalahooda iyo hantida ay meesha gashanayaan mustaqbalkeeda midna dammaanad u ma ay haystaan shisheeyuhu.
Waagii askarta hubaysani Soomaaliya iyo Soomaalilaand xoogga ku haysatay qaybtiisii dambe (1981-1988), shirkaduhu waa ay ku soo dhiirradeen in ay kelitaliyaha heshiisyo la galaan iyo in ay dhul aad u ballaadhan dib u baadhaan 30 sano oo ay dalka ka maqnaayeen ka dib. Taana waxaa soo afjaray kacdoonkii hubaysnaa ee taliskaa la gu diiddanaa, ilaa shirkadihii dalka ka yaaceen. Maalintaa intii ka dambaysay ilaa maanta hadalhaynta shirkadaha iyo shidaalku waa is ka boos ceshi, hunguri gelin iyo ku dayid, laakiin marnaba ma ay muuqan xaalad amni oo la is ku aammini karaa. Soomaalilaand oo in uun xasilloonayd waa la ogaa waxii buuq ka dhashay imaatinkii shirkadaha ee Oodweyne iyo Cayn.
Xaaladda Baagistaan ta soomaalida ayay la mid tahay, waayo waa dal ay qabiilka iyo qabyaaladdu ku xooggan yihiin, oo aanay dawladda dhexe bulshada gacanta ku wada hayn, qofkuna qoladiisa ayuu daacad u yahay ee qaranka u ma aha. Sidoo kale waa dal la ga neceb yahay "gaalada". Sannadkan oo keliya laba jeer baa la weeraray dad shiine ah oo dhismaha ka shaqeeya, iyada oo shan ka mid ah qarax la gu laayay.
Baagistaan wax ay qabtaa baahi shidaal oo aad u daran, oo sannadkii 2023 wax ay shidaal ku soo gadatay 17.5 bilyan oo Dollar, halka la filayo lacagtaasi 7 sano ka dib in ay gaadho 31 bilyan sannad kasta. Dalka caynkaas ah haddana sida baadhitaannadu xaqiijiyeen dhulkiisa waxaa ku jira 235 tirilyan (cubic feet) oo gaas iyo baadrool ah. Sida ay sheegeen wax ay u baahan yihiin 25 ilaa 30 bilyan oo Dollar si ay u soo saaraan khayraadkaas keliya 10% ka mid ah. Laakiin lacagta xaddigaa leh Baagistaan amni ahaan ma dammaanad qaadi karto faa'iidada la ga doonayo, sidoo kale dadka hawlahaa ka shaqaynaya nafahooda (sidii ay soomaaliduba weligeed u dammaanad qaadi kari wayday).
Cabsida iyo rejo xumada darteed, shirkadda Shell oo iyadu haysatay qandaraaska qodista shidaalka Baagistaan, dhowaan wax ay soo bandhigtay in ay qandaraaska ka iibinayso ta Sacuudiga ee Aramco, oo sida muuqata iyaduna hawsha aad u ga cagajiidaysa. Is ka ba daa ee shirkadaha shidaalka ku shuqul lihi Baagistaan waa ay ka sii baxayaan, dawladduna wax ay wayday cid ka qaadata 18 hawlood oo qaabbilsan shidaal qodista. Dhibaatada oo dhamina waa amniga iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalkaas oo aan la is ku hallayn karin (tabta Soomaalilaand iyo Soomaaliya).
Si wacan ma u fahantay sababta aad khayraadkaaga u ga bakhtiyaysaa in ay tahay dhaqan xumadaada?