Somaliland waxaa ka qabsmooya doorashooyinkii madaxwaynaha iyo sido kale doorashooyinka ururada kuwaas oo u gudbi doona xisbiyo qaran.
Waxaa ku tartamaya doorashada somaliland 3 xisbi oo kala ah.
1. Xisbiga waddani oo uu hogaaminayo cabdiraxmaan maxamed cabdilahi (cirro).
Xisbiga waddani waa midka ugu samaynta badan waana xisbiga doorashadii 2017 ku guulaystay cod dhan 44% balse manta loo saadalinaayo inuu guul ka keeno doorashada qabsoomi doonta malinta bari ah ee taarikhadu ku beegantahay 13 bisha nov, 2024.
2.xisbiga kulmiye oo markii horana ku guulaystay doorashadii somaliland ka dhacday 2017 iyo sido kale 2010 markaas oo uu madaxwayne siraanyo kusoo baxay halka doorashadii 2017 uu kusoo baxay madaxwayne muuse biixi oo helay codad dhan 51%.
Madaxwayne biixi sido kale waa musharaxa jagada madaxwaynaha u tartamaya kulmiye inkasta oo dhaleecayn wayn iyo fashil badan somaliland laga sheegayo mudada uu xilka hayay muuse biixi cabdi.
3.xisbiga Ucid oo hogaaminayo eng faysal cali waraabe oo u tarmaya kursiga madaxwaynaha markii 4aad balse aan marna ku guulaysan kursiga.
Xisbiga Ucid ayaa doorashadii 2017 helay codad lagu qiyasay oo kali ah 4% balse doorashada 2024 aan wax samayn wayn ah ku lahayn ololaha ayaa la filayaa inuu sido kale ka bixi karo saxada xisbinimo madama doorashadii ururado ay qabsoomi doonto malinta bari ah isla markana ay ku sidkan tahay doorashada madaxwaynaha ee dhacaysa malinta bari ah oo ku beegan 13 Nov,2024.
Akhriso sido kale: Sidee youtube lacag looga sameeyaa