Dhaqan iyo dhaxal awoow: Bulshada, Nacaybka iyo niyad jabka!
Magacaygu waa baxsan, aabahay wuxu iigu yeedhaa bilan, halka ay ayayday Warisna iigu wacdo barwaaqo. Siday magacyadaydu u qurux badanyihiin noloshaydu uma bilna, uma baxsana oo barwaaqo waa ay ka dheertahay!
Waxaan dhashay gu’gii Dhaan-baaje; wuxu ahaa sannad uu curku si laxaad leh ugu hagar baxay dunida. Sanad ay samadu si cajiib ah u sooryaysay deegaan, dad iyo duunyo wixii dunida Eebe wayne ku hoos uumay. waa sannad si wayn looga yaqaanno dhammaan geyiga Soomaalida; gaar ahaan deegaannada badhtamaha iyo waqooyiga carro soomaal ee usii jeeda dhanka badda cas iyo badwaynta hindiya.
Waa iyaga iyo allahoode; Waxa aan dhashay barqo ay cirka shareereen daruuraha midabkoodu sugulka madow yahay ee walwaalaya dhibcaha barwaaqada iyo badbaadada. Isla daqiiqadahaas, Waxa sii shuuxayay dhibco fudfud oo ay soo tufateen daruurihii cuscuslaa ee uu ka tagay Gudgudihii xalay dunida guud joogay. Dhulka waxa goglanaa doog cagaar xoog ah leh iyo nooc walba oo daaqa kamid ah. In cabbaar ah dhalashaydii ka dib, waxa laga heshiiyay collaadii sokeeye ee la magac baxday Uurdooxato taas oo dhiig badan, dhagar badan iyo dhac badan kadib si milgo leh looga heshiiyay. Waxa iyaduna wax lala yaabo ahaa, markii aan dhashay ma jirin wax umuliso ah oo hooyaday iyo aniga nakala gurtay. Hooyaday luul waxay ii sheegtay in aanay dareemin wax xanuun ah, isla maalintaana ay si toos ah u qabsatay hawlmaalmeedkeedii caadiga ahaa. Jeer ayba ka shakiday in ay dhashay iyo in kale!
Sidii lagu yaqaanay ilmo dhashay; Barqadaas Ma aan ooyin oo 21 cisho ka dibba; waxa aan ku hadaaqay weedha Hooyo! Walow ay jireen waxyaabo kale oo layga maqlay; hadana, si waadax ah looma fahmin warkayga! Sidaas ayaan markii aan dhashay ku ahaa mar la arag mucjiso ah. sidaas ayaanan kula baxay Naanaysta ah Cawo ayyaan oo ka dhigan Nasiib iyo kansho aan aadanaha oo idil dheerahay, jeer la hillaadiyayba in hadii ay timaado masiibo aadnaha halligta in aan ahaan karo qofka keli ah ee leh cawo iyo ayaan uu ku badbaado kuna samatabaxo. Wadaad suufi xerow ah oo ay xidigiska wax door ahi uga baxsanaayeen ayaa dadkii ku biiriyay in isla habeenkii aan dhashay uu dayaxu fadhiyay godka Libcas. Dhaqanka soomaalida, Godkan inanta dhalata waa mid ayyaan iyo umuuro badan.
Wuxu dadkii ku adkeeyay in aan noqon doono gabadh leh ogaalka Guuguulaha, dareenka fiinta iyo awoodda ruuxiga ah ee Fiidmeerta! Dhammaan shimbirihan waxa uu ku sheegay in ay yihiin kuwo amran oo leh itaal iyo ogaal la xidhiidha timaadada iyo weliba awaalaha ku duugan dunjiga iyo laabaha dadka! Dhammaan dadka deegaanka oo ay ugu horrayso Ayayday Waris waxayba ku sigteen in ay iga barakaystaan ama i caabudaan.
Wax la i koolkooliyaba. Wax ay hadba habar duq ahi duudkayga kalkacayl been ah u salaaxdaba. Wax uu hadba xerow siifad iyo suurad xumi iisoo dhawaadaba ugu danbayn waan waynaaday oo qaangaadhay. In aan ahay Inan dhererkeedu dhexdhexaad yahay waxa ii raaca midabkayga u eeg tawaadda madow ee marsan tagoogaha awrta qooqan. ciridkayga duuban ee madow iyo ilkahayga siman ee cadba ma ahayn wax si dabiici ah loogu qancay. laakiin, dadkii in uun i yaqaanay waxay ku xidhiidhiyeen Mooradii geyiga iyo guduudkii cirka ku qaydnaa barqadii aan ifka iyo adduunyada imid iyo umuurihii la isla dhex mari jiray waa hore iyo habbeenno galbaday oo tagay!
Waligay nin ma shukaansan (sheeko lama yeelan) oo ma agjoogsan. Ka sokow in aan dhammaan ragga u aqaanay Noole ay hammadoodu ka awood badanyahay hammigooda hadana waxaan yaraantaydii kusoo barbaaray in ay waajib dhaqan tahay ka dheeraanshaha ragga. Iyo weliba In inantii nin aan qayd xalaal ahi ugu xidhnayn lagu arkaana ay tahay qudhun iyo qashaabiir hortii. Xidhiidhka iyo macaamilka ragga ee bariidada ka badanna waxaan u aqaanay ceeb iyo cudur halis u ah jidhkaaga, jaahaaga iyo jaalkaaga aad la dhalatayba.
Walow aan muddo dheer filayay in aan heli doono waxwalba oo uu hillaadiyay Sheekhii xerowga ahaa, ducadii islaamaha alle yaqaanka ahaa iyo dhammaan dadkii weedhaha macaan dhagaha iigu tuuri jiray, hadana; waligay wax dheeri ah kamaan ogaan timaadada, tagtada ama taaganta. Waxaan ahaa qof caadi ah. Sidii ay u dhimatay Hooyaday iyo weliba intii uu dhul yaalka noqday Aabahay Quulle ma aan arkin nolol raaxo ama qurux leh.
Waligay kama fekerin sida uu u beenoobi karo malaha unmad dhan iyo rajada odayaal iyo islaamo waayo arag ah. Laakiin, waqtiga ayaa sidan iskaga abuuran oo waligeedba waxa aadane suuraysto waa gaar waxa uu Eebe wayne sameeyaana waa gaar oo marar yar ayayba is waafaqaan labadaas dhacdo.
Waligay, Xataa markii aan yaraa waxa aan caruuraha ka maqli jiray iyaga oo ka hadlaya qoladooda ama abtirka qoysaskooda. Laakiin, waa yaabe; maxaan waligay u maqli waayay tayda?! Anigu qolo ma lihi miyaa?! Teeda kale, maxaa dadkayaga ka soocay kuwa kale?! Sawnaga isku midabka iyo isku diinta ah; maxaa jira? sawkuwa tukada ee aan tukanno ma aha?! Cajab! Wallee waa in aan ogaado halka ay sartu ka qudhunsantahay! Aniga oo leh ayaan subax barqo dheer ah dadka dhex qaaday.
Waxaan ugu soo horreeyay adeerkay Baashe. Meermeer dheer ka dib, Adeerkay wuxu ii sheegay in aan kasoo jeedno boqortooyo hore oo dunida gumaysay, gaar ahaan soomalida mar u talisay oo ku taagsatay. Laakiin, duntay oo u burburtay sidii boqortooyadii Faraaciintii, Baabiloonkii, Giriigii ama Faarisiyiintii hore! Boqortooyo mar lahayd Taag, tamar iyo tooggo aan cidna loodin karin. xoog, xirrib iyo xeeladna u adeegsan jirtay fulinta amarradeeda laakiin ugu danbayn u kuftay sida awr duq ah una burburtay sida bur ciid ah oo axmaq xoog wayni dhulka si daran ugu dhuftay!
Adeerkay oo aad ugu xeel dheeraa taariikh afeedka Soomaalida ayaa intaas iigu daray ….” Cawo ayaan arimahani waa kuwo aan cidina rabin in aad ogaado. Sidii ay u burburtay boqortooyadeennii waxa aynu noqonay adhi weer galay iyo xuur wadkeed galay! Adeerkay marka uu sheekadan ii wado, wuxu u sansaan ekaan jiray sida boqor uu col ka awood badani xilkiisii,xilahiisii iyo xoolihiisiiba xalaalaystay. Wuu qarracmi jiray oo muraaradillaaci jiray. Wuu madoobaan jiray oo mararka qaarkood carrab-jalaqdu kusii badan jirtay, jeer aan waxba ka fahmi kari waayo. Haa, adeerkay wuxu lahaa Carrab-jalaq si lamid ah badi dadkayaga. Waxa uu ahaa nin dheer oo marka uu tallaabsanayo waxaa si fudud kuugu sawirmi jiray geri leegleegsanaya ama qaalin layli ah oo tallaabada walgaafinaya. Wuxu lahaa midab madow khafiif ah, san dhuuhan, indho taagtaagan iyo timo bisbis ah; tanina inta badan waa astaan ku badan deegaankayaga. Wuxu ahaa Bir-tun khabiir ah oo Eebaha wayni u sakhiray in uu birta xadiidka ah u saanyeelo hadba sida uu rabo ama ay la noqoto, Toorey laba gadhley ah, waran tiirshe,taawil ama kaal ah, gudin fudud ama faas culus oo xoog leh iyo agab kale oo lamid ah ayuy ku samayn jiray si fudud oo hibo iyo farshaxan leh.laakiin, waxaas oo xirfad ah kuma uusan helin wax tixgelin ama maamuus ah. Waan ka xumahay, adeerkay waxa uh ahaa Miskiin jeebyare ah!!!
Adeerkay waxa uu ii sheegay in ay dadku ahaan jireen laba qolo: Gob iyo Ajjo! Labadan erey waxa uu iigu kala macneeyay “Gob” oo kayimid midhaha geedka gobka oo ah geed ku yaala jannada. geed ay midhihiisu ka baxaan meel sare oo aan dhayal lagu gaadhi karin, iyo weliba geed hadii la tuuryeeyo dirkii dakharrada u gaystay ku sooryeeya midhihiisa macaanka badan ee Gobka; waana astaan gobannimo, sharaf iyo laandheeri muujinaysa! Halka uu “Ajjo”dana iigu macneeyay biyaha huubada qashinka ah ee ku hadha ceelka,balliga, warta ama galalka. kuwaas oo ah biyo liita oo dad iska daaye xataa aanay dugaaggu cabin. Wuxu igu yidhi …” Innagu waligeenba waxa aynu ahayn GOB” laakiin, kumanyaal sanno oo uu calankeenu dunida ka babanayay waxa la gaadhay waqti ayyaan darran iyo xilli inkaaran.
Waxa inoo tashaday dhammaan dadkii Ajjiga ahaa ee aynu u talin jirnay. waxay so dumeen ciidan iyo col shar wadayaal ah, waxaanay si gaadmo ah u dileen hogaamiyaheennii Dhakkool. Haa Dhakkool, waxa uu ahaa boqorkii ugu danbeeyay boqorradii Gobta. Waana boqorkii talada hayay kolkii ay boqortooyadu afka ciida dartay ee ay u burburtay si kana dambays ah. Waxa si lama filaan ah u jabay ciidankeenii. Waxaana dhacay xasuuqii ugu darnaa taariikhda dunida. Waligeed; horrayso iyo danbayso midna xasuuqaas oo kale masoo marin aadanaha, laakiin; taariikhda hadba waxa qora ninka guulaysta oo hadda warkaasi adduunyada kama jiro. Dhammaan raggeennii waxay noqdeen wax la dilay, wax la addoonsaday iyo wax la xidhay. Dhammaan carruurteenii wixii caqliga lahaa waa la addoonsaday, wixii aan caqliyaysanna waa la korsaday oo la qabiileeyay.
Markii ay sheekadu halkaas maraysay, waxaan u xanuunsaday si daran oo aan la sawiri karin. Waxaan u murugooday sida in ay boqortooyadii Gobtu hadda burburayso iyo sida in aan ahay boqorkii ugu danbeeyay ee la kulmay ayaan darradaas, jabkaas iyo qambalacdaas. Sidoo kale, isla daqiiqadahaas waxa uu adeerkay lahaa “Alle ku doori oo iilka kugu cadaab Dhakkooloow, waxaad na gumaysay gummayn aan gobannimo danbe lahayn. Alla haduu maalintaas boqortooyadiisa difaacan lahaa, maanta noloshu waxay ahaan lahayd mid karaamo leh”.
Adeerkay isaga oo ay wajigiisa cadho iyo ciil buuxiyeen waxa uu hadalkiisii kusii daray “Dumarkeenii baxsanaa waxa laga dhigay wax wadarwadar loo kufsado ka dibna loo dilo iyo wax baxsada oo uu merlahaas duggaagu ku cuno. Firxadkeenii wuxuu ka dhacay bari iyo bogox, laakiin; meelna kumaynaan nabad helin. Waxa wehel inoo noqotay Oohin, catow iyo firxasho. Laakiin, waa yaabe; halkee ina qarinaysa oo aynu galnaa, waxa ina heshay gun ajjo ah iyo addoon ciil qabta. Sideeda bannaana addoontu ma jirto wax ay ku dhaanto addoonnimo. Innagu waligeen sidaas ma aynaan yeelin, laakiin; waxay ahayd doqonniimo iyo qalad aynu samaynay. Intaa ka dib, waxa socday xilliga iyo waqtiga innaga oo weli ku jirna Oohin iyo dhuumasho waxaanay magaceenii GOB-ta ahaa inoogu dareen “OOYE” oo ay u yidhaahdeen tiiqtiiqsi iyo wiirsi, waxaana sidaas la inoogu dhajiyay magaca “Gobooye” oo xilli danbe isu sii badalay “Gabooye”.
Maalintan waxa aan si qun ah u fahmay in aanu nahay dir ku dhex nool deegaankoodii oo laga faramaroojiyay. Dad aan weli helin kansho ay kaga soo kabtaan dhibtii ku dhacday iyo duul la faquuqo oo la haybsooco; isla markaana waxa aan sii yaqiinsaday sababta uu aabahay u guursaday Inaadeertii, iyo sababta ay ayayday aabbo iyo ayayday hooyo u yihiin ilmaadeerka dhow. Waxa aan dareemay in uu jiro cidhiidhi dhab ah oo aan ka dareemayo gudahayga. Ma aha in aan ahay qof xun dartii, ama ma aha in aan denbi shaqsi ah galay darteed, laakiin; waa in aan ahay beelaha Gabooye darteed!.
Ma guursan karo cid ka baxsan dallada reerkayaga. Si walba oo aan wax u barto lama tartami karo filkay ama facayga Ajjiga ah. Tamar walba oo aan bixiyo waxa jira teed iyo dayr adag oo dabiici ah kaas oo igaga gaadhan in aan gaadho yoolasha iyo ahdaafta nolosha. Waana sababta ay inta badan qofafkayaga wax bartaa ugu hayyaamaan qurbaha iyo qaaradaha shisheeye.
Marar badan, waxaan aniga oo soo jeeda ku riyooday in ay dib u dhalan lahayd boqortooyadii “GOB”ta, laakiin; burburkeedii waxa kasoo wareegay kumanyaal sanno oo marka aan arkay sida aanay riyadaasi hadda maangal u ahayn isla markaana ay sii kordheen caqabadaha noloshu, waxa aan mar labaad ku suuraystay in aan noqon lahaa gabadh Ajji ah. haa gabadh Ajji ah. Ugu yaraan waxaan dareemi lahaa xorriyad. Waxaan heli lahaa kansho iyo fursad hadda iga maqan. Waxa aan guursan lagaa Faarax oo i jecel, weliba si dhab ah anna aan jecelahay! Laakin; riyadan qudheedu waxba ma dhaanto tii boqortooyada Gobooyaha, waayo; ma aha suurtagal.
Waligay ma ahayn qof qalbi xun. Abidkay qof ama qolo iskama nicin. Waaqayna ma jeclaysanin ba’a qof ama qofaf badhaadhe ku jira.laakiin; isla daqiiqadii uu adeerkay sheekadan murugta leh ii waday, waxaan si toos ah indhahayga ugu arkayay Nacayb xoog leh oo qofnimadayda ka dhex biqlay. Waxaana si degdeg ah u bislaaday midhihii geedkan ayaanka daran. Waxaanan la dersay cuqdad iyo collaad aanan waligay suuraysan. Waxaan jeclaystay ba’a iyo burburka Ajjiga. Waayo, waxay burburiyeen boqortooyadydii, riyadayadii iyo mustaqbalkayagii.
Ciil kasta oo aan qaaday iyi Cunfi walba oo igu dhashay, waxa jiray hal qof oo aanan waligay nicin! Waa Faarax oo Ajj ah. Adeerkay mar waan nici jiray, waayo; wuxu ii furay albaab aanu xidhi karin, mar kalana waan jeclaan jiray oo u boholyoobi jiray, waayo; wuxu ruuxdayda ku quwayn jiray qisaska tebinaya waayihii gobannimada, awoodda iyo talada ee jiritaankayaga. Waxay ahayd nolol isku dhex qasan.
Faarax waa wiil da’a dhexaad ah, midabkiisa maariinka ah, jaahiisa qorran iyo jidhkiisa quwadda iyo laxaadka u dhashayba waxa kasii mudhay qofninadiisa lala ashqaraaro ama lala dhaco. Marka uu qoslo waxa aad dareemi kartaa sida ay dunidu u quruxda badantahay. Macaanka nolosha iyo illays buuxdhaafiyay maalmaha mustaqbalka. Hadalkiisu waxa uu abuuraa rejo iyo yididiillo waana afyaqaan ereyo toolmoon leh oo si fudud kuugu tebin kara waayaya kashiisa yaalla iyo waxa uu qalbiga kuugu hayo.
Waxaan ku noolaa nolol murugo leh, waayo; waxaa sida illayska qorraxda iigu muuqday dhammaadka shay walba. Ma aqaanno in arrinta la xidhiidha ogaanshayga mustaqbalku la xidhiidho amranaantii la igu sheegi jiray dhallaanimadii iyo Faarax waxa aan u qabay jacayl hadii biyo loo badali lahaa uu si kama dambays ah ugu qarqoomi lahaa caalamka oo idili!
Arbacadii hore, waxay ahayd maalintii ugu xumayd waligeed. Haa, xataa waxa ay ka xumayd maalintii Geeryaad oo ahayd maalintii ay burburtay boqortooyadii Gobtu. arbacadii hore, waxa uu faarax ii sheegay in uu rabo in aannu arrimo muhiim ah isla lafagurno! Waan naxay oon hadana farxay. Waan qoslay; waxaanu ahaa qosolkii quusashada iyo isdhiibidda. waxwalba hortii, Faarax waxa uu ii sheegay in uu rabo in uu i guursado. Wuu faraxsanaa oo diyaarsanaa. Wuu rejo waynaa oo mustaqbalka ka war dhawrayay. Wuxuu sugi la’aa inta aan uga sheegayo arrimo kala ollog ah oo farabadan sida xilliga aan ismehersan doonno ee adeerraday la heli karo, xaddiga meherka iyo xataa cidda aan ka ahay Ajjiga!!! Waxaan ka fekeray jawaabta ay tahay in aan bilawga horaba siiyo, ma ta meherka, mise ta goorta aan wargelin doono reerkayaga mise cidda aan ahay?! Waxaan ku shawray in waydiinta waxwalba aabaha iyo furaha u ahi ay tahay cidda aan ahay, waxaanan go’aansaday in ay jawaabtaasi noqoto midda aan ku bilaabayo waxwalba waxaanan si rejo beel ah ugu idhi “ Faarax, waxaan ahay qabiillada la hayb-sooco!! Faarax oo aan rumaysan arrintani waxa uu marar badan iga codsaday in aan kaftanka ka dhaafo oo aan runta u sheego! Waan jeclaan lahaa in ay kaftan iga ahaan lahayd, laakiin; Nasiib darro, waxay ahayd run. Wuu naxay oo anfariiray. Wuu kacay oo hadana fadhiisyay. Wuxu si lama filaan ah u yidhi tani waa caqabad kale oo wayn. Waxaanad i siisaa waqti aan kusoo fekero oo kusoo tashado!!!!
Maalmo kooban ka dib iyo feker dheer oo dhirif iyo dhibaato leh gadaashii; Faarax waxa uu igu wargeliyay in uu ka xunyahay in aan noqday qoladan sida ba’an loo faquuqo ee dhaqan soo jireen ah iyo dhaxal awoowo lagu gumeeyay.
Faarax waxa uu hadal iigu soo koobay “ Iga raali ahow, diyaar uma ihi in aan jabiyo dhaqan soo jireen ah ama ugu yaraan in aan ballanfuro waalidkay iyo guud ahaan jifadayda.
Waan ka xumaaday oo hadana waan ku qancay, waayo; waxaan hubay faquuqa ka jira bulshada dhexdeeda iyo xooggiisa. Waayo waxa kala jira Gunnimo loo dhasho iyo gobannimo lala dhasho, waana tan oo kale.
Sido kale akhriso:- Shidaalka somalia
W.Q: Abdiaziz Qorsheeye