1. Ma ihi meel lagu kaydiyo wixii la yidhi, mana ahi madal soo jiidata [iska jeclaata] wax kasta oo la daabaco, mana ihi warqad la adeegsado waqtigii loo baahdo ama si ku meel gaadh ah, marka hore waan diidayaa, ka dibna waan aqbalayaa waxa aan doonayo; ka fiirsasho iyo baadhitaan dheer kadib, sidaas darteed odhaahdayda (maya) ayaa ka horraysaa odhaahdayda (haa), maxaa yeelay erayga xataa [Tawxiidku] wuxuu ku bilaabmay diidmo (Illaah majiro), tanina waxay ii faa'idaysay wax badan inaan ka shakiyo waxa la sheegayo iyo waxa la daabaco, sidaa darteed tibaaxaha quruxda badan, boggaga , waynida dhiganayaasha, iyo caannimada buuggaagtu ima soo jiitaan.
2. Ma ihi mid garashada iyo aragtida ka arradan [madhan], mana ihi mid caqli-laawe ah oo uu qof kale u adeegsado mashruuciisa dhanka fikirka ah, waxaan mararka qaarkood isu dabbaaliyaa [ doqon] isaga dhigaa sababo xeeladeed, maadaama uu is-indho tirku mararka qaar yahay mid daruuri nololeed ah, laakiin maskaxdaydu ma aqbasho inay noqoto bakhaar lagu kaydiyo qashinka iyo is-diidooyinka afkaarta. waxaan leeyahay hannaan aan kasoo faa'idaystay culimadii hore iyo kuwa casriga ahba, maadaama oo aan waxbadan ka akhriyay dhigaalladi Karl Marx, Rene Descartes, iyo Max, dhammaantoodna waan ka faa'iiday si aan maankayga uga ilaaliyo in uu lumo daqiiqadaha ambashada ama lumitaanka [dhumitaanka].
3.Ma ihi doqon, fahmi-waayaya afkaarta xun-xun, mana ihi qof aan caqli badnayn si aan uga nolosha uga qaadan waayo waayo-aragnimada ay xambaarsantahay, manaahijta waxbarashada waxaan ka barannaa nacasnimo, warbaahinta dunida Carabtana waxaan ka dhaxalnaa doqonnimo. Qofka aan doqonka ahayni wax mustaqbal ah kuma dhex laha dalka doqomada, mana jirto wax nolol ah oo heli ka doono garraad-laawuhu garraad la'aanta dhexdeeda, laakiin waxaan ka bartay waayo -aragnimo ah in dadka si ka duwan kuwa kale u fekeraa ay nolosha qaabeeyaan (ما أنت بنعمة ربك بمجنون), Nabiga Suubban ayaa diiday in uu noqdo mid caadi ah oo la mid ah dadkii aan caqliga lahayn[Lunsanaa] ee badhtanka kaga jiray baadinnimada, taasina waa sababta ay ugu yeedheen inuu waalan, sidaasna [ waallida] ma uu ahayn markii uu ku guulaystay fidinta risaaladiisii iyo farriintiisii.
4. Ma ihi darwiish [ Sheekh xag-jir ah], oo ahmiyada ugu wayn siiya inuu is muujiso isagoon waxba hayn, mana ihi nin diinta u dhigaya/u sheega ama u yaqaana sida la doonayo Waxa jiro mid diinta u sheegaya sida laga doonayo Suuqyada inaaraadka, mid raacsan dhabaha hindida iyo koox sadexaad oo ayidsan hannaan diineedka turkida ana masaarida.
Hadaba, waxaanqaba ku tacaluqa jiritaanka, horta yaa i abuuray? Maxaa lay uumay? Se maxay noqon doobtaa cidhibtayda, ka dib safarkan gaaban?!
Waydiinahni waxay ii qaabeeyaan dunidayda gaarka ah ee dhanka diinta, markaa aniga ayaa is waydiiya, hadii aan ehlu diin ahay oo aanan ahayn taas cakiskeeda, waxaan ahay ehlu diin, hadiiba aan su'aalahaas is waydiinaayo.
5. Ma ihi muwaadin raadinya nolol, mana ihi aadane u nool nolol keli ah. Ma aaminsani in wadanka mutaystay inaan ku dhex noolaado uu yahay wadanka aan ku dhashay kuna barbaaray oo keli ah, laakiin wadanka u qalma ee mutaystay inaan ku dhex noolaado waa dalka aan ka dhex helayo karaamayn iyo sharaf, godna karaamo maleh dhagax la'aane, karaamada, karraamo oo idin waa inu aadanuhu helaa si siman oo aan eex lahayn.
6. Kama cabsi qabo waydiinaha, si walba oo ay u adagyihiin, kamana walwalsani aqoonta si walba oo ay u korrayso, laakiin waxaan ka cabsadaa jahliga iyo aqoon-darrada marka ay soo xidhato maryaha Culimada [Aqoonyahanka], iyo gacan ku dhiiglaha kolka uu kusoo ban-baxo dharka kuwa samo-sheega ah, hadii ay shakhsiga [qofka] ka dhammaato wax iswayntiintu, waa jeerka uu hoos u dhaadhacayo ee uu liidmayo, balse;hadii ay waydiinuhu yihiin kuwo qofka u hogaaminaya dhanka dhiganayaasha fekerka, markaasi waa jeerka uu qofku kor u soconayo ee uu kobcayo.
7. Ma ihi sheikh ka tirsan culimada diinta, waana sababta aanan madaxyga cumaamad u saarin, mana ihi siyaasi u ordaya inuu hanto kursi [Mansab] taasina waa sababta aanan waligay ugu biirin xisbi siyaasadeed, laakiin waxaan sidaa qaddiyad, waxaanan wadaa mashruuc, qadiyadayda 1aadna waa islaamka, midda labaadna waa baraarug [kacdoon] wadani ah, sidaa darteed waxaan arkaa dad badan oon fahamsanayn: Maxaanan madaxa ugu xidhaynayn [saarayn] cimaamad? Sababtoo ah waxaanu culimada qaar isku khilaafnay in kacdoonnada iyo baraaruga lala xidhiidhiyo islaamka, taasina waxay ku siinaysaa macnaha hadalkayga ee ahaa: anigu ma ihi sidaad doonayso!
8. Ma ihi mashruuc u fulaya si ku meel gaadh ah kuna idlaanaya dhammaadkiisa, mana ihi barnaamij kooban oo guulaysan kara ama guul-daraysan kara, dadkii alkumay mashaariicda dhanka fekerka ahi waxay xoreeyeen taariikhda jirridaha waawayn leh, waxaanay sidaas wax kaga badaleen qaab-shaxanka dhulka, intii ay awoodeen. Hadaba waxa jira waydiimo ay keentay joogtadu iyo xaddaaraddu, qofka aanay joogtadu walwal ku hayni, wuxu kamid yahay tagtadii hore, xataa hadii uu baayoolaji ahaan hadda noolyahay, kana tirsanyahay uunka.
9.Anigu ma ihi sida ay doonayaan saaxiibaday, mana ihi sida ay doonayaan cadawgaygu, xataa; ma ihi, sida dadka kale ii haystaan ama i moodayaan, sidaas oo dhan ma ihi, sidoo kale kama mid ihi dunida dadka doonaya in aan ku ekaano rabitaankooda iyo niyadda ay leeyihiin, intaas oo dhan ma ihi, tani ma aha wax la yaab leh, laakiin kala fogaanshaha ayaa ah in dadku rabaan in aad iyaga la mid noqoto xagga diinta, xagga dhaqanka, xagga caqiidada siyaasadda, ku -tiirsanaanta mad -habta, iyo aragtiyaha aqooneed oo uu xataa leeyahay sawiro uu ku faafiyo warbaahinta, boggaga baraha bulshada isagoo aan la imaan wax soo saar aqooneed ama mid suugaaneed maxaa yeelay waxaan dhowaan ogaaday in dadka qaar rumaysan yihiin isla'egtan: Waxaan sawirradayda ku dhejiyaa Facebook, sidaas darteed waxaan ahay qof jira!
Kooxda, mad -habta, fikradda, iyo xisbigu waa abbuur aadame taas oo kobci karta ama xitaa laga gudbi karoba, laakiin haddii diintu run tahay oo la aqbali karo (Islaamku) waa ku dayasho, dalka hooyona waa lagu noolaan karaa iyada oo aan laga tegin sharaftii iyo xorriyaddii, marna lama dhaafi karo duruuf kasta oo jirta. Maxaan ugu noolaanayaa sidaan rabo/ doono?
Maxaanan u diidayaa inaan noqdo nuqul ka mid ah kuwa kale? Tani waa qofnimadayda, maxaa yeelay, sidaan horeba u idhi: Anigu ma ihi alaab iyo agab kabadh/armaajo ku jirta, balse waxaan ahay sida armaajo ay wax ku jiraan [hab-fekerka iyo garashada].
10. Dalkeena, dhammaan dadku waa isku jaad, si walba, laakiin dalalka galbeedka waxaan ku arkay dad ku kala duwan waxwalba, xataa Kartida, laakiin; daraasayntaydii waxaan ku ogaaday in isku mid ahaanshaha dhamayska tirani uu dhib badanyahay, taas badalkeedana ay dabar iyo caqabad ku noqon karto bilawga iyo horu-socodka, iyo in khilaafka wayn iyo indho-tirku uu yahay dillaa, iskaba dhaafe uu yahay cadaab darran oo dhanka nolosha ah, waxaana run sheegay qofkii yidhi: khilaafka iyo kala tagannaanta joogtada ahi waa dhibaato, heshiiska joogta ahina waa munaafaqnimo!
Bilawga horumarka waa in lagu salleeyo midnimada dhanka aragtida iyo kartida ah [Hawl-qabad/shaqo], iyo in lakala duwo, wixii intaas kasoo hadha, wax qurux ah malaha nolol dhammaanteed isu wada eeg, mana sii jirto nolol seeskeedu tahay khilaaf iyo kala-tagganaan dhan walba ah, waxaynu iskaga eegnahay dadnimadeena, diimaheena iyo qaababkeena kale ee guud, laakiin; waxaynu ku kala duwanahay, wixii intaa kasoo hadhay, waayo; sababta ayaana ah in uummuhu [Eebe wayne [SWC]] uu ugy talogalay nolol dhamaystiran oo noocyo badan, hadaba; maxaa ka qurux badan jeerka aadanuhu fahmo naftiisa, iskuna dayo inuu dadka kale kula noolaado kala duwanaansho iyo dulqaad !! Se, maxaa ka dhib iyo dhirif adan marka shaqsi, koox, ama qolo ay isku dayaan in ay nolosha ku soo jiidaan fikrad gaar ah!
Dhammaan dawladihii kelitaliska ahaa oo idil dunida way ku guul darraysteen, maxaa yeelay waxay ka gudbeen ama ka indho qarsadeen xaqiiqo dhanka abuurta ah oo kowni ah [ kala duwanaanshaha midninada dhexdeeda].
Hanti-wadaagii bahalninada ahaana wuxu ku dhawaaqay burburkiisa, maxaa yeelay, wuxu ahaa mid kale oo suuq-gaynaya [Nooc midnimo u san-saan eeg qaabdhimeedka suuqyada], maanta aadanuhu wuxu sugayaa mashruuc horumarineed oo ka gudba xadkaan caalamiga ah, isla markaana ogolaanaya hab-fekerka furan een xadidnayn, kuna baahsan kownka oo idil, waxaana tusaale u ah, siday aragtiyo dhamaytiran ugu jiraan qur'aanka, kitaabkaas, waxa shaki la'aan ah inuu hannuun u yahay kuwa alle kacabsiga badan!.
Sido kale akhriso: doorashooyinka somaliland
W.Q: Cheikh Abdirahman bashir
W.T: abdiasis I. Harir [Qorsheeye]
Waxaa baahisay madasha akhriska iyo qoraalka ee qoraa.info
Kampala,Uganda