Taarikhada magalada ceerigaabo

" Taariikhda ceergaabo muran ma gasho " .

Ceergaabo marka 21 km galbeed waqooyi looga dhaqaaqo waxaa ku taala buurta dheer ee surud loo yaqaano , buurtaas siraadley waxaa ku yaalaa jabadkii Sheekh Isaxaaq ku aroostey wadaadiisii Magaado oo weli sidiisii ah 800 sanadood goobtaasna waxa loo yaqaanaa xilo caruusa. 



Sheekh Isaxaaq markii uu wafaadey waxaa lagu aasay oo qabrigiisu yahey magaalada maydh oo isaga iyo duriyad badan oo uu dhaley kula aasan tahey. 

Intaa ka dib Buurta Daallo oo loo yaqaano Daallo Arab waxaa ku aasan Arab Sheekh Isaxaaq oo loogu magac darey, Daallo waxay u dhaxaysaa  magaalooyinka maydh iyo ceergaabo. 

200 sanadood ka dib geeridii Arab Sheekh Isaxaaq waxaa dhashey Siciid Harti oo ku magac dheer dhulbahante oo ay dhashey faadumo cabdale Arab Sheekh isaxaaq. 

Sidaas markey tahey taariikhda ceergaabo waa mid cad oo aan muran geli karin , wiilka awoowaha loo yahey na awoowyaashii taariikhda ceergaabo kulama doodi karo sababtoo ah 200 sanadood ka hor intii uusan dhalanin ayaa odaygii hooyadii faadumo awooga u ahaa ee Arab iyo aabihii Sheekh isaxaaq deegaanka yaaleen kuna aasan yihiin. 

Sidaas markey tahey taariikhda ceergaabo muran ma gasho waa gurigii duriyada reer Sheekh Isaxaaq kasoo tafiirmeen tusaale magaalada ceergaabo 18 km galbeed oo loo yaqaano Dayaxa waxaa ku aasan Daauud Garxajis, 40 km koobfur barri oo loo yaqaano jiidali waxaa ku aasan subeer awal 

Gudaha magaalada ceergaabo waxaa ku aasan  Abokor muuse daauud, dhimbil xasan abokor, yoonis ciidagale, muuse ismaaciil carre, mataan abokor ibraahim. 

Sidaas darteed ceergaabo waa xudunta taariikhda iyo guriga reer Sheekh Isaxaaq muran ma gasho.

-- Sida Hartigu ku soo degay Ceerigaabo.

Faadumo Cabdalle Arab ayaa Buurta kala soo degtay Dhulbahante oo wiil yar ah,iyadoo dhaxanta is tidhi wuu kaaga dhiman wiilku ama Dugaagga ayaa kaa cunaya maadama uu dhiiranaa,  ka dib Ceerigaabo ugu keentay Abtiyaashii, muddo sidii Isagoo Abtiyaashii ula jooga, Islaantina ay dhimatey ayaa magaalada Ceerigaabo  Abtiyaashii reero ay Jaaryihiin oo masaakiin ah loogu taagi waayey,  Budh weyn iyo Gudin uu qortay ayaa magaalada uu la dhex mari jiray,  kolkii ay dhibtiisu badatey,  Abtiyaashiina dacwada laga keenayo loo adkeysan waayey, waxa talo mid ah Abtiyaashii ku gaadheen  in deegaanadda Hawdka loo raro wiilka dhibka badan, sidii ayuu Nugaal ugu tarmay iyo Hawdka.

Beri danbe oo Alle-bari loo sameynaayey Awowgii sheekh Isaxaaq ayaa loo baahday Ubadkii Siciid ( Dhulbahante), ka dib waxa yimi Alle Barigii  Maxamed ( Ugaadhyahan) oo wata niman ay Ilaamdeeryihiin oo Warsangeli ah, hawshii Alle Bariga ayaa la qorsheeyey, waxayna labadii nin isku qoreen shaqada ay kala qaban lahaayeen, ragii Warsangeli waxa loo diray inay soo guraan Xaabadii wax lagu karinaayey, ninkii Maxamedna dhismayaal Guryo ah oo loogu talo galay goobta ducada ayuu Abtiyaashii la dhisaayey, markii Alle Barigu dhamaaday ayaa Wiilasha guryihii Alle Bariga la dejiyey, wixii xaabada ka soo hadhayna ay kuwii Warsangeli ka iib Iibiyeen dadkii kale ee magaalada halkiina ay ku dhaldhaleen muddo ka dib.

Ducadaa Sheekha ayey Warsangeli ku bilaabeen shaqada geed jarida ee deegaanka, Ugaadhyahana loogu diiday inuu inta uu Ta'fiirmayo uu ku noqdo Nugaal, isagoo degen Guryihii Alle Bariga.

Gudintii oo casri ah, ayuu Imika Abtiyadii usoo qaatey, oo in laga qaado uunbaa la rabaa ee dhibaato kale ma jirto, Tolkiina way qabaan in Gudintaa Casriga ah laga qaado.

Sido kale akhriso;-sheekadii baxsan

Waa qoraal isku dhaf ah waxaa qayb ahaan qoray xil. Axmed nuur guruuje.
Adams

Hello, my name is Adam and I am Passionate about mastering the art of blogging and digital marketing. Sharing insights and strategies on content creation, SEO, and blogging while continuously learning and growing. Join me as we build thriving online platforms together!

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post