Maroodiga – Xayawaanka Ugu Weyn Dhulka
Hordhac
Maroodigu waa mid ka mid ah xayawaannada ugu waaweyn ee dhulka ku nool. Wuxuu ka tirsan yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda (Chordata), gaar ahaan qoyska naasleyda (Mammalia). Waxa uu leeyahay gacan dheer (qoolley) oo uu wax ku qaato, biyaha ku cabbo, dhirta ku goosto, isla markaana uu isgaarsiin ku sameeyo.
Noocyada Maroodiga
Maroodiga adduunka waxa loo kala saaraa laba nooc:
1. Maroodiga Afrika (Loxodonta) – Wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa qaaradda Afrika, wuxuuna ka weyn yahay maroodiga Aasiya. Waxaa loo kala saaraa laba:
Maroodiga savannah – Wuxuu ku nool yahay dhul daaqsimeedka Afrika.
Maroodiga kaymaha – Wuxuu ku nool yahay kaymaha galbeedka iyo bartamaha Afrika.
2. Maroodiga Aasiya (Elephas maximus) – Wuxuu ka yar yahay kan Afrika, dhegihiisuna waa yaryihiin. Waxaa laga helaa dalalka Hindiya, Sri Lanka, Thailand, iyo qaybo ka mid ah Aasiya.
Magacyada Maroodiga
Afka Ingiriisiga: Elephant
Afka Carabiga: ﻓِﻴﻞ
Afka Soomaaliga: Maroodi
Magacyada Kale:
Maroodiga labka ah: Arbe, Boorar ama Qoraaje
Maroodiga dheddig: Qalanjo ama Goso
Maroodiga yar: Uunfannays ama Boojay
Maroodiga koox ahaan: Bool maroodi ah
Nolosha Maroodiga
Cimriga: Wuxuu noolaan karaa 48 ilaa 70 sano.
Culayska: 4000 ilaa 6000 kg.
Ilkaha: 26 ilig.
Sidka (Uurka): Wuxuu socdaa 18 ilaa 22 bilood.
Qaangaarka: Maroodiga dhallinyarada ah wuxuu qaangaaraa da'da 10 ilaa 12 sano.
Naasaha: Maroodiga dheddig wuxuu leeyahay laba naas oo ku yaalla lugaha hore hoostooda.
Dabeecadaha Maroodiga
Quudashada: Maroodigu waa xoolaha cuna dhirta (Herbivore).
Xilliga hurdada: Maalintii wuu seexdaa 4 ilaa 6 saacadood.
Xawaaraha: Saacaddiiba wuxuu socon karaa 40 km.
Dabaasha: Wuxuu dabaalan karaa isagoo ka neefsanaya gacankiisa dheer.
Xasuusta: Wuxuu leeyahay xasuus aad u dheer iyo dareen ur oo aad u sarreeya.
Maroodiga iyo Khataraha Uu La Kulmo
Maroodigu wuxuu halis ugu jiraa ugaarsiga sharci darrada ah, sababtoo ah foolashiisa (ivory) oo qiimo sare leh. Ugaarsiga noocan ah ayaa keenay in maroodiga dunida ku nool ay sii yaraadaan. Waxaa la qiyaasayaa in hadda ay jiraan wax ka yar 500,000 maroodi. Dalka ugu badan ee laga helo maroodiga waa Botswana, oo ku yaalla koonfurta Afrika.
Sidoo kale, maroodigu wuxuu la kulmaa khataro kale sida:
Dhulka sii yaraanaaya ee uu ku nool yahay.
La dagaallanka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, maadaama uu cuni karo dalagga beeraleyda.
Cadhada maroodiga oo keeni karta in uu wax burburiyo marka uu dareemo halis.
Maroodiga iyo Diinta Islaamka
Maroodigu waa mid ka mid ah xayawaannada lagu xusay Qur’aanka Kariimka, gaar ahaan suuradda Al-Fiil. Culimada Islaamka badankood waxay isku raacsan yihiin in hilibkiisa uu xaaraan yahay.
Gunaanadka xayawanka maroodiga
Maroodigu waa xayawaan aad u weyn, caqli badan, xasuus dheer leh, isla markaana aad uga feejigan khatarta ugaarsiga. Waa xayawaanka ugu weyn ee dhulka ku dul nool, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo si uu uga badbaado dabar-goynta.