Taarikhadii mujaahid ibraahim koodbuur
“Bishu waa April,
Toban beriyo laba,
Bandhig Ciidamadu
Isu soo baxeen,
Waxa ay baawariyo
Baaruud hayeen,
Badka soo dhigeen,
Baa Askar la gala baxay.
Waxa la yidhi ,
Waxa helay Birjeex.
Badh badhaadhnaydii,
Ba’ay baa xigtaa,
Boobow la yidhi.”
Hawlgalka “Badjeex” sida uu ugu yeedhay Abwaan Aadan Tarabi oo maansada kor ku xusan ka tiriyay, dadka qaarkoodna u yaqaannaan Birjeex, waxa hal-abuurka qorshihiisa, diyaarintiisa iyo hoggaamintiisaba lahaa Ibraahin Koodbuur. Qorshaynta iyo fulinta hawlgalkaasi mid si degdeg ah oo lama filaan ah ku timid ayay ahayd, ujeedkii laga lahaana laga gaadhay, taas oo ahayd mid keliya – in xoog iyo xabbad ay SNM ku soo furato saraakiishooda waaweyn midkood – Kornayl Cabdillaahi Askar Barkhad – oo magaalada Hargeysa lagu qabtay isaga oo hawlgal u yimid.
Kornayl Askar waxa lagu hayay goob ciidan oo aad loo ilaaliyo – Miiska Saraakiisha Milatariga – ee Qeybtii 26aad, goobtaas oo haatanna loogu magac daray Koodbuur laftiisa. Dadkii hawlgalkaas ku lug lahaa badankoodu way geeriyoodeen – saddex keliya ayaa ka nool - dhamaantood Eebbe ha u naxariisto.
Haddii aynnu sawir guud ka bixinno hawlgalkan, sida ay ka warrameen halgamaayadii SNM ee aqoonta dheer u leh hawlgallada milatarigu, Birjeex wuxuu ka mid yahay hawlgallada naadirka ah ee ku adag jabhadaha dunida. “Waxa uu ka mid ahaa hawlgallada waaweyn ee SNM gashay ama nooc taariikhiyanba hawlgallada noocaas ugu sarreeya adduunka.” baa uu yidhi kornayl Cabdirisaaq-Gambayare oo ka marag furaya qiimihii uu hawlgalkani lahaa.
Sooyaalka halgankii SNM kolka la fiiriyo, hawlgalkani wuxuu ku galay kan kowaad uguna horreeya hawlgalladii ugu waaweynnaa ee la fuliyay lana tilmaansado muddadii uu ururkii SNM halganka ku jiray. Sidaa awgeed, kornaylladii iyo saraakiishii SNM waxay ku sheegeen inuu ahaa mid mucjiso ah oo aanu si yar ku aqbali karin caqliga bani aadanku.
Kornayllada sida weyn u sharraxay gaar ahaanshaha hawlgalka Birjeex iyo sida uu uga duwan yahay hawlgal kasta oo kale oo fulay waqtigaa halganka lagu jiray, waxa ka mid ah halgamaa Maxamed Kaahin Axmed. Hadal dheer oo uu ka jeediyay xuskii 25aad ee geeridii Ibraahin Koodbuur, sannadkii 2012kii, isaga oo ka war bixinaya waxyaalihii uu hawgalkani kaga duwanaa kuwii kale, wuxuu sheegay kuwaa hore “mid walba waxa sameeyay ciidan la diyaariyay oo qalabkiisa iyo hubkiisa wata, oo saraakiishiisii oo rag muddakara ahi ay hoggaaminayeen, kii Mandheera oo kale uu hoggaaminayay Maxamed Xaashi (Lixle), kii Buurallayda lagu galay oo kale saraakiil badan oo aaggan galbeedka lagu galay iyo badhtamaha iyo bariga gashay, ciidan badan oo is huba buu ahaa, dagaallami kara, oo is difaaci kara buu ahaa. Sidaa awgeed, hawlgalkaasi wuxuu wax walba kaga duwanaa, nimankaasi waxay keeneen in ay hawlgalkaa galaan, in ay furtaan Cabdillaahi Askar, Qeybtii 26aad dhexdeeda oo ay xilal ka hayeen in ay ku dhex diyaariyaan raggii sooma-jeestayaasha noqon karaayay ama ahaa ee hawshaa la fulin lahaa; oo 1) aan la ogaannin, 2) aan khasaare ku gelin (hal nin baa kaga dhintay, khasaarahaas oo kale waxa la yidhaahdaa waa mid yar), 3) in ay hayeen sirtiisa, 4) in ay hubkii iyo saanaddii ay ku dagaalameen ay u suurtagashay in ay halkan ka diyaariyaan, 5) in ay suurtageliyeen in iyaga oo bedqaba oo dhaawacoodiina sita ay si nabadgelyo ah uga baxaan, Ilaahayna ku garab galay.”
Mar kale, halgamaa Maxamed Kaahin, sida uu kaga warramay waraysi dambe, isaga oo sawir ka bixinaya awooddii ay lahayd Qeybtii 26aad ee Ciidamadii Xoogga Dalka, taas oo ahayd xaruntii fadhiisinka iyo xafiisyada u ahayd saraakiishii ugu sarraysay qeybtaas, wuxuu sheegay in ay ahayd “xarunta labaad ee dhanka awoodda ku soo xigtay Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Madaxtooyadii Xamar, labadaas oo qudha ayaa ka awood badnaa”.
Sidaa Awgeed, fulinta hawlgalku waxay ahayd arrin mustaxiil ah oo aan ku soo dhici karin fikirka cid kasta oo ay taabanaysay gacan-ku-haynta Kacaanka ee Cabdillaahi Askar.
Sida uu ka warramay halgamaa Ibraahin-Dhegoweyne, maalmahaa hawlgalku uu fuli doonaa, waxay ahaayeen kuwo taladu ay baahday, nabar iyo naxdin weynni dadkii haleeleen oo wadnaha farta lagu hayay, qof kastaa is wayddiinayay waxa dhici doona, maxaa la yeeli, balse aanu jirin cid ka fikiraysay ama aamminsanayd in ay tallaabo qaadi karto.
Marxaladdaas ayuu Ibraahin noqday qofkii badka is keenay, oo qaatay go’aan geesinnimo leh oo is miidaamin ah; “halka uu ka soo saaray Askar dawladaha adduunka maanta ugu waaweynni kuma guulaystaan”, baana uu yidhi Duuliye Xayd oo hawlgalka ka faalloonayaa.
Ibraahin Koodbuur wuxuu hawlgalka fuliyay waqtigii loogu baahida badnaa, taana wuxuu ku noqday halyeygii iyo geesigii dusha u ritay gudashada waajibkaa, una badheedhay nafhurkii u weynnaa intii halganku socday, kana soo dhex baxay guud ahaan dadka soomaaliyeed, si gaar ahna reer Somaliland, xilli qof isaga oo kale ah loogu baahi weynnaa.
Dhab ahaan, waxa soo mudh baxday shaqsiyaddiisii, sida uu halgamaa Xayd uga marag furayna wuxuu noqday “ninka awooddaa, kartidaa iyo qiimahaa leh”.
Ugu dambayn, Hawlgalka Birjeex wuxuu ahaa hawlgal layaabka leh, oo la fuliyay sannad kaddib markii ururka SNM saldhigyadiisa milateri ay ka unkameen dalka Itoobiya oo ku beegnayd, laba sannadood iyo lix maalmood kaddib, markii ururka SNM lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska (April 6, 1981).
Waxa fulintiisa Ibraahin Koodbuur ku wehelinayay 10 halgamaa oo kale, oo uu ka abaabulay gudaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo mid mooyaane inta kale ay ka tirsanayd ciidankii Qeybtii 26aad. Waxay ku hawlgaleen laba baabuur oo Laanguruusallo “Landcruisers” ah, hubna waxay ka wateen boobayaal fudud.
Waxa hawlgalka kaga dhintay laba mujaahid, guud ahaanna xubnihii hawlgalka fuliyay waxa maanta (xilliga qoraalka buuggani socdo) ifka kaga nool saddex nin – Aadan Maal, Cabdisalaan-Turki iyo Cabdiraxmaan Ciid. Sida ay subaxnimadii salaasada 12kii Abriil ay ururka SNM ka sii daayeen Idaacaddii Halgan, dhanka dawladdii Kacaanka waxaa hawlgalkaa ku naf waayay 25 ka mid ahaa askartii Kacaanka.
Isbadalka ka dhacay dunida: somalia waxay ku leeyihiin samayn wayn
Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
12 April, 2025