JIDKA BISAYLKA: Toban qodob oo gundhig u ah dhisidda shakhsiyadda da'yarta

Tobankan qodob idiin kuma soo qorin si aan wax idiin baro, balse waxaan idin la wadaagayaa waxyaabihii ay i bartay noloshu; waayo waxaan ogaaday dhisidda shakhsigu in aysan ahayn tilmaan degdeg ah, hase ahaatee ay tahay socdaal joogto ah oo ay qalindaarayaan caqabado, tallaabo kasta oo hore la qaadaana ay kordhinayso xikmad.

Heer ka mid ah heerarka dhalinyaranimada, su'aalaha jiritaanka ayaa hannaan xeeldheer u dhex saaqa gudaheenna, insaankuna wuxuu dareemaa hirar dareenno iyo afkaaro ah oo ku loolamaya gudihiisa. Wuxuu isu dayaa inuu fahmo naftiisa, inuu isbarto iyo inuu gacanta ku dhigo isudheellitirka noloshiisa. Laakiin, wayddiinta weyn ayaa ah: sidee ayaa aynu u dhisnaa nafaheenna? Waa maxay jidadka bisaylku?


Related: Ibraahim koodbuur iyo hawlgalkii birjeex hargeisa

1. Bisaylku ma aha dhammaystirnaan, balse waa caddaan:

Qofka bisili ma aha ka aan gefin, balse waa ka gefafkiisa kula dhaqma run iyo wacyi. Waa qofka si cad isu arka, waa ka qirta qaladkiisa, ugana faa'iidaysta horumarinta naftiisa isaga oo aan ciqaabayn, ama aan u raadinayn marmarsiyo. Bisaylku wuxuu ku dhex qarsoon yahay in la awoodo in wax laga barto gefafka iyo in rasmi la isu fahmo.


2. Degganaantu waa awood ee ma aha tamardarro:


Dunidan la isku qiimaynayo sida loo kala qaylo dheer yahay iyo sida loo kala xamaasad badan yahay, xilliyada qaar degganaanta ayaa ka wada awood badan muuqaallada awoodda, waayo kartida iyo xoogga laguma qiyaaso qaylo iyo muuqasho, balse waxaa lagu halbeegaa ficillada. Qofkani waa sida webi deggan oo in kastuu aamusan yahay, haddana ilaa xad isku darsaday gundheeraan iyo awood. Haddaba, si aad u muujiso shay, uma baahnid qaylo, balse arrinkan lidkiisa waa in ay hadlaan ficilladaadu.


3. Xulashadu waa bilawga bisaylka:


Inaad dhahdo "maya" arrimaha aan u qalmin qiyamkaaga iyo hankaaga xitaa haddii ay dadka kugu hareeraysan oo dhan lid kugu yihiin, waa astaanta ugu horraysa ee bisaylka. Xulashadu waa summadds asaasiga ahvee insaanka u socda sidii uu u dhisan lahaa mustaqbal madax-bannaan. Bisaylku waa inaad ogaato jidkaaga gaarka ah oo aad ahaato naftaada, isla markaana aanad noqon dameeri dhaanraacday.


4. Dib-dhigasho oo dhan ma aha taagdarro:


Ku degdegga go'aan qaadashadu wuxuu u muuqan karaa xulasho aan laga fiirsan, balse mararka qaar dib-dhigashada ayaa ka fiican in la isku maqiiqo arrimaha aan sida fiican loo garanayn. Bisaylku wuxuu u baahan yahay adkaysi iyo u kaadin. Xilliyada qaarna sugidda jawaabta iyo go'aanka saxda ah ayaa ka qayb qaata in la qaato go'aannada qumman.


5. Su'aasha runta ah ayaa ka fiican jawaabta degdegga ah:


Ha ka cabsan inaad qirato aqoondarradaada iyo dawakhaaga. Inaad dhahdo "maya" waa bilawga xikmadda, laakiin ma aha tamardarro. Dunidan la qiimeeyo degdegga iyo natiijooyinka dhakhsaha ah, xusuusno fekerka guntadheer iyo baadhidda xeeshadheeri in ay yihiin seeska lagu dulshiso fahanka qumman. Sidaas awgeed, halkii aad ka raadin lahayd jawaab degdeg ah oo kor-ka-xaadis ah, fadlan hab deggan u raadi xaqiiqada.


 

6. Goonisocodku ma aha cadow joogto ah:


Insaanku wuxuu u baahan yahay in uu xilliyada qaar hab ku-meel-gaadh ah uga dhex baxo dunidan, mana aha dhuumasho, balse fikirkiisa ayaa uu dib u cusboonaysiinayaa, arrimihiisana siday u kala mudan yihiin ayuu u kala horraysiinayaa. Goonisocodku waqtiyada qaar waa kansho aad iskula xidhiidhayso, badbaado gudeedna aad ku helayso. Haddaba, kolka aad dareento in aad u baahan tahay isku noqosho, haka labalabayn; waayo noloshani hab joogto ah ayay kuu siisaa fursado aad dib iskugu soo abaabusho.


7. Ka warhay dareennadaada, balse haku dhex milmin:


Xilliyada farxadda, cadhada iyo murugada, ma tihid dareennadaada oo qaawan, balse qayb ayay kaa yihiin oo ma aha adigii oo dhan. Ha ha u oggolaan dareennadaada inay maamulaan habdhaqankaaga iyo go'aannadaada. Baro in aad si wacyi leh uga warhayso dareennadaada adiga oo aan ku dhex milmayn. Qaabkan ayaad u ilaalin kartaa isudheellitirankaaga gudeed.


8. Ha isku deyin inaad wada raalligeliso dadka, balse raadi badqabkaaga gudeed:


Haddii aad isku daydo inaad wada raalligeliso dadka, waxaad is heli doontaa adiga oo ku dhex dayacan filashooyin baaxaadegaya. Lama wada raalligelin karo insaanka; sababtoo ah sida hirarka oo kale ayay raalligelintu u baaxaadegtaa. 

Laakiin, haddii aad ku tuntuusato raalligelinta naftaada iyo horumarinta qiyamkaaga gudeed, waxaad heli doontaa degganaan dhab ah oo aysan raadayn karin dadka kale.


9. Isku day inaad bilawdo shay cusub:


Socdaalka aad ugu jirto bisaylka waxaa kaa hor iman kara guuldarro iyo niyad jab. Ha u oggolaan inay ku dabarto tagtadu. Noloshani ma aha ilbidhiqsi keliya, laakiin waa tanaxane fursado ah oo ku siinaya barbilaw cusub. Wax ka baro gefafkaagii, hana ka cabsan inaad meel madhan wax ka bilawdo kolkay kugu dirqiyaan duruufuhu.


10. Ha illaawin daryeelka ruuxdaada:


Isdhisidda shakhsigii kuma joogsato caqliga iyo jidhka, balse waxay fidsan tahay ilaa ruuxda. Ruuxdaada ugu roonow sidaada caqligaagaba ugu roon tahay akhriska, fekerka, cibaadada iyo ilbidhiqsiyada ku soo celinaya tamartaadii iyo hufnaantaadii gudeed. Waa kan asaaska korriinka dhabtii; waayo haddii ay badbaaddo ruuxdu, dhinacyada noloshaada oo dhan ayay ka muuqataa.


Gunaanadka:


Xalal degdeg ah iyo waddooyin gaagaaban haku raadin jidka bisaylka, laakiin ku raadi sugnaan, adkaysi iyo joogtayn. Jidku wuu dheer yahay, waanay dhacdaa inuu insaanku xilliyada qaar ku dhex turaanturroodo, balse ku fara-adaygga mabaadi'da ayaa lagu hantaa guusha dhabta ah. Dhirta waaweyni midho yaryar ayay ka soo biqishay, ee joogtee socdaalka aad ku raadjoogto iftiinka.


Qalinkii: Dr. Cabdikariin Bakaar

Turjumiddii: Obsiiye

Adams

Hello, my name is Adam and I am Passionate about mastering the art of blogging and digital marketing. Sharing insights and strategies on content creation, SEO, and blogging while continuously learning and growing. Join me as we build thriving online platforms together!

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post