Waan Ooyay!!!
Muddo hadda laga joogo waqti dheer. qiyaastii waxa ay ahayd Xagaaggii 2011-2012. Waxaan maalin maalmaha kamid ah daawaday Filimka jacaylka ah ee la magac baxay "TITANIC".
Filimku waa mid ku dhisan qiso macno leh, jilniin xirfad leh iyo muuqaallo mashaacirtaada gilgilaya oo ruxaya dareemaddaada ruuxiga ah.
Waxa uu ahaa Film ka hadlaya qiso la sheego in ay ka dhex dhacday Markabkii Titanic ee dagay qarnigii tagay bilawgiisa. Waa qisada wiil faqiir ah oo jeclaanaya gabadh kasoo jeeda qoysaska dabaqadda sare ee dega dalka boqortooyada Ingiriiska.
Waxa uu u qaadayaa dareen dhab ah iyo jacayl dhiiran oo xoog leh. Wuxu la kulmayaa caqabado badan si uu ula kulmo oo kali ah. Marar badan waxa loo bahdilayaa kaliya in uu yahay danley aan waxba haysan oo ay baahidu la jaaltahay. laakiin, waa qof wax jecel oo waliba u jecel sida ay Wiyishu u jeceshahay ilmaheeda, marna kama tagayo. kama daalayo. dulminkasta oo ku dhacana jacaylkiisa ugama dudayo! waana tusaalaha dhabta ah ee jacaylka xaqiiqada ah. Jacaylka ku dhisan dareenka aan samayska ahayn. jacaylka aan ku dhisnayn dan adduunyo iyo mid aakhiro toona, ase ku taagan addimada Jacaylka, isfahamka, naxariista iyo rabitaanka.
Markaan ku dhawaad saacad dhex muquuranayay darreenno kala duwan iyo dhacdooyin murugo leh, mar kali ah; waxa aan arkay aniga oo ay indhahayga illin kulayl badani masoo daadatay! Waxa ay ahayd markii ugu horraysay noloshayda ee aan la ilmeeyo dhacdo shisheeye oo aanay dhibteedu aniga i taaban. W
Waxa ay ahayd markii ugu horraysay ee uu jacaylku qalbigayga ka xaadhxaadhay booskii ugu horreeyay ee uu noloshayda ka dagi doono iyo boogtii ugu horraysay ee uu qalbigayga ku dhufan doono!
Waan ooyay! oo waxaaan u ooyay si aanan hadda qoraal ku sawiri karin. Ma moodayn in aan sidaas oo dhan u qalbi jilicsanahay ama si fudud ugu ooyi karo! Alla fiicaan lahaydaa in aan maalintaa muuqaal iska duubi lahaa, ama aan sawir xasuus ah iska reebi lahaa!
Waxaabad moodaysay in ay igu dhaceen wax wayn. waxa si dhab ah isu badalay dareenkayga, laakiim; Nasiib darro, waxa uu ahaa FILM!!!
Marar badan, waxa ayny u damqannaa, illinteenna u daadinaa, ama waqtigeenna siinaa wax aan u qalmin oo aan qiimo ahaan mudnayn.
W.Q. Abdiaziz Ib.Harir [Qorsheeye]
Taarikhada: April, 2025